Madaafiic Goordhaw lagu weeraray Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw Tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw Xerada Xalane ee kutaala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Madaafiicda laga tuuray qeybo kamid ah Degmada Wadajir ayna halkaasi ka tureen rag hubeesan oo watay gaari yar kuwaa oo madaafiicda tuuray kadibna halkaasi isaga cararay.

Waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan qasaaro dad rayid ah uu kasoo gaaray Madaafiicdan oo qarakood ku dhacay goobo ay dad shacab ah degnaayeen, lamana oga in Xerada Xalane oo bartilmaameedka ahaa in ay madaafiic ku dhaceen.

Dadka ku dhaqan Xaafado ku dhaw dhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa aad uga argagxay madaafiicdan maanta kusoo dhacay xaafado halkaasi ku yaala, waxa ayna dadka qaarkood bilaabeen in ay guryaha shubka ah ay ku cararaan.

Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa ah taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale xeradaasi degan safiiro iyo saraakiil Reer Glabeed ah oo kusugan Magaalada Muqdisho.