Madadaxweynaha Maraykanka oo booqanaya UK 2018ka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayay u badan tahay in uu sannadka soo socda booqdo UK, sida ay BBC-du fahamsan tahay.

Aqalka Downing Street ee UK laga maamulo iyo Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa la rumaysan yahay in ay fiirinayaan wakhtiyada ay booqashadaas ka dhigi karaan.

Trump ayaa aqbalay casuumaad ay boqoraddu u fidisay markii ay booqashada ku tagtay Maraykanka Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May bishii Janaayo.

Laakiin sida loo arko booqashada ayaa la sheegay in ay muran dhalisay ayna arrintaaasi horsdeeday in Trump uu wax ka badalo go’aankiisii hore.

Waxaa la sheegay in uu san doonayn in uu booqdo UK maadaama oo ay u badnayd in ay dhacaan mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo.

Bishii May ku dhawaad labo milyan oo ruux ayaa sixiixay mid ka mid ah dalabyo lagu doonayay in Trump uusan booqasho rasmi ah ku imanin UK.

Siyaasiyiin sarsare oo ay ka mid yihiin hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Jeremy Corbyn iyo hogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dem ayaa ku baaqay in baajiyo booqashadaas.

 

Xaqiijinta booqashada Trump ayaa la filayay in ay ku jiri doonto khudbaddii boqoradda ee bishii hore oo ay ku soo gudbiso hawlaha rasmiga ah ee sannadka u yaalla.

Laakiin meelna kagama aysan xusin, waxaana la hadal hayay in ay suurtagal tahay in Trump uu booqashada ka dhigi doono bisha Oktoobar.

Aqalka Cad ayaa diiday wararka sheegaya in Trump uu shaki ka qabo booqashadaas, wuxuuna sheegay in ay kawada shaqaynayaan “wakhti ay labada dhinacba aqbali karaaan”.