Madaxda maamul goboleedyada oo soo wada gaaray Muqdisho & kulamo ka socda Villa Somalia

Madaxda maamul goboleedyda dalka ayaa maanta soo wada gaaray magaalada Muqdisho, iyaga ka qeyb galaya shirka madasha wada tashiga Qaran oo maalinta beri ah ka furmaya caasimada.

Waxaa ka mid ah madaxda Xamar soo gaaray madaxweynayaasha, Puntland, Juballand & Koonfur Galbeed C/wali Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed oo safar caafimaad ugu maqan dalka India ayaan markii ugu horeysay ka qeyb geli doonin shirka madasha, waxaana ku metelaya Ku-simihiisa ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Amniga xarunta madaxtooyada Somalia iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo xoojiyey halkaasoo kulamo gooni gooni ah ay uga socdaan madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirka Madasha wada tashiga ee beri furmaya ayaa looga hadli doonaa xiliga la qabanayo doorashooyinka madaxda dowlada, iyadoo ay jirto hadal heyn badan oo ku saabsan in doorashooyinku ay dib uga dhici doonaan xiligii loogu tallo galay.