
Wasiirka warfaafinta Sudanta Koofureed waxa uu sheegayaa in dowladda aysan ka jawaabi doonin eedeymaha cusub oo ku qoran warbixin cusub oo hogaamiyayaasha dalkaasi ku sheegtay inuu ka faa’idaayo dagaalka oo siixumaada.
Wasiirka oo BBC-da la hadlay waxa uu sheegay, “Anaga, dowladda South Sudan, kama jawaabi karno warbixinno lagu baahiyay baraha bulshada”.
Baaritaanka oo uu horkacayay, ololeeyaha, iyo jilaaga ka tirsan Hollywood, George Clooney waxa ay madaxweyne Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar, iyo taliyayaasha ciidamada iyo qoysaskooda ku sheegay inay dhaqaale badan aruursadeen.
warbixinta ayaa madaxda Sudanta koofureed la xiriirineysa lacag badan oo ay ka mid yihiin guryo waaweyn oo raaxo, macdan, shidaal iyo shirkado kale oo dibadda ku yaalla.
Asigoo ka hadlayay shir jaraa’id oo lagu qabtay Washington, Clooney waxa uu sheegay in cadeymaha ay yihiin kuwo aan la dafiri karin.