Madaxweynaha Philippine oo aflagaadeeyay dhiggiisa Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa gebi ahaanba baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte,kadib mrkii Duterte eray aflagado ah ugu yeeray Obama.

Afhayeenka Guddiga amniga Qaranka ee Mareykanka , ayaa sheegay  in kulnkaasi bedalkasi uu Obama magaalada siyoul  kula kulmi doono Madaxweynaha konfurta Kuuriya.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku eedayay Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte inuu taagero ragga ka ganacsada mukhaadaraadka isla markaana xadgudbyo dilal  ah ka gaystay Philippine iydaoo wax Maxkamad ah la soo  marinin kiisaska.

Obama ayaa intaa raciyay inuu dalkiisu sii wadayo dagaalka uu kula jiro mukhaadaradka iyo talaaba ka qaadista dadka ka ganacsada daroogada oo ka soo gudbaya dalka Philippine.

Qaraamada Midoobay ayaa iyana marar badan canbaaraysay Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte, siyaasadiisa ku wajahan xuquul insanka  iyo sida uu uga tuntay qawaaniinta Caalamiga ah.