Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho – VIDEO

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta 05 September, 2016 waxay safar shaqo ugu anba bexeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Aadan Cadde Airport ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana soo dhoweyntaasi ka qayb galay madax kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa ka qayb geli doona shirka Madasha Wada Tashiga Qaran oo ka furmi doona magaalada Muqdisho maalinta berri ah ee foodda inagu soo haysa, waxaana uu shirkaasi daba socdaa kulamadii hore ee ay madashu ku yeelatay Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo ayaa Muqdisho ku sugnaan doona maalmaha soo socda, wuxuuna Madaxweynuhu shirka Madasha ka jeedin doonaa khudbad muhiim ah oo tilmaamaysa sida ay markasta Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ugu diyaarsan yihiin dib u dhiska dalkeena Soomaaliya.

IMG_5444 IMG_5447 IMG_5450 IMG_5455 IMG_5465 IMG_5474 IMG_5478 IMG_5481 IMG_5485 IMG_5487 IMG_5490 IMG_5494 IMG_5497 IMG_5499 IMG_5507 IMG_5512 IMG_5514 IMG_5516 IMG_5518 IMG_5520 IMG_5522 IMG_5525 IMG_5528 IMG_5529 IMG_5535 IMG_5539 IMG_5542 IMG_5547 IMG_5548 IMG_5552 IMG_5562 IMG_5564 IMG_5569 IMG_5575 IMG_5580 IMG_5586 IMG_5588 IMG_5591 IMG_5592