Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la kulmay safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya – SAWIRO

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Arbaca ah la kulmay safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Oglan Bekar, waxaana kulankaasi uu ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa Turkiga kala hadley sidii ay gacan uga geysan lahaayeen burburkii Suuqii weynaa iyo isbitaalkii Bosaso ee weerarkii 21 Agoosto canaasiir ka tirsan ururka al-Shabaab ay fuliyeen. Weerarkaas ayaa marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee gaarey shacabka Gaalkacyo waxaa gebi ahaanba ku burburey Suuqii u weynaa magaalada Gaalkacyo iyo weliba Isbitaalka guud.

Ambassador Oglan Bekar ayaa dhankiisa tacsi u diray dhamaan shacabka Puntland, wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen weararadii Gaalkacyo , sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedu ay ka xun yihiin weerarkii kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Gaalkacayo.

Safiirka ayaa caddeeyey in Dawladda Turkigu ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka hantidii ku burburtay weeraradii magaalada Gaalkacayo ay ku qaadeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidaan oo kale maalintii Salaasada la kulmey kusimaha safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya waxaana uu kala hadley in dalkiisu gacan ka geystaan dib u dhiska iyo dayactirka kadib weerarkii al-Shabaab.