Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhawayd si rasmi ah u furay Shirka IGAD ee Muqdisho iyo madaxwynayaal ka maqan – SAWIRO

Shirka 28-aad ee Madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa goor dhow si rasmi ah uga furmay Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho.

Shirkani oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee Martigaliyay Madaxda ka qeybgalaysa, ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Shir Madaxeedkan maanta furmay ayaa waxaaa ka qaybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia,Kenya, Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo dalka Uganda.

Madaxda Waddamada Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa ah markii ugu horreysay ay Magaalada Muqdisho ku qabtaan shir Madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.igaddigadd1igadd2igadd3