Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday dowladda Ingriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Mudane Tobias Ellwood.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay Wasiirka Tobias Ellwood dhambaal uga yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska. Dhambaalka ayey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingariiska ku caddeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xirriirka ka dhaxeeya labada dal iyo kor-dhinta tageeradda ay dowladda Inagriska ku bixiso Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Dowladda Ingariiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhex Tobias Ellwood ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin aminga, siyaasadda iyo maal-gashiga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub Ingariiska sida ay ahmiyadda u siineyso iyo ka go’an tahay garabsiinta dowlada Soomaaliya.