
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan sagootin ah waxa uu xarunta Madaxtooyada kula qaatay Guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).
Xasan Sheekh oo si gaar ah ula hadlay Guddigan ayaa ku booriyay in ay si wanagasan uga soo baxaan howsha loo wakiishay ee ah difaacida Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha uu cadeeyay in ay rajeenayaan in Dacwadaasi guul kasoo gaaraan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya si sharci ah ay u martay dacwada la xiriirta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in uu ku kalsoon yahay in Soomaaliya ku guuleesato dacwadaasi.
Guddigan ay Dowlada Soomaaliya u dirtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa la filayaa in ay kor joogto ka noqdaan Dacwada dhinaca Muranka Badda ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo beri ka fureysa Hague.