Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay safarada uu dalka uga anbabaxay iyo hadal heynta bulshada

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safarada uu dalka uga anbaxay tan iyo markii xilka loo doortay iyo hadal heynta bulshada ee safaradan la xiriira.

‘’Baryahan warka waa uu iska soc-socdaa oo waxaa la leeyahay ninkii Maxamed Cabdullaahi ahaa ee aan safarka jeceleyn ee diyaaradaha rayidka raaci jiray wuxuu arkay diyaaradihii Paravit –ka ahaa safarkiisa waa uu batay, waa run, ‘’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa u sheegay in shantii safar ee uu galay micno gaar ah xambaarsanaayeen, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay isbadalkii dhacay doorashadii bishii February ee sanadkan 2017da oo sida uu hadalka u dhigay soo jiidatay idhaha beesha caalamka.

‘’Doorashadaasi waxaa ay aheyd mid taariikhi ah oo soo jiidatay dunida oo idil, in saddex madaxweynaha si Dimuquraadi ah xilka isugu wareejiyaan oo gacmaha is qasadaan, gaar ahaan caalamka carabta oo leh Soomaaliya aan ku dayano, dhamaan safarada aan galleyna safaro ley casuumay ayeey ahaayeen oo diyaaradahooda la ii soo diray’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay gallay ilaa shan safar kuwaa oo uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga, Jordan, Imaaraadka, Kenya iyo Turkiga.

Sababta ugu weyn ee hadal heyta safarada madaxweynaha ayaa lagu sheegay kalmadihii uu adeegsaday olalihiisii doorashada isaga oo ku dhaliilay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud tirada safarada uu dalka uga anbabaxay iyo adeegsiga diyaaradaha Paravit –ka ah.