Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad aan hore loo arag ka jeediyey Banaanbixii maanta, kuna dhawaaqay…- VIDEO

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad u jeedinaayay kumanaan qof  Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Studium ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxqabadkii boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga Saartay Ammaanada iyo sidoo kale sidii loola dagaalami lahaa Musuq maasuqa, waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Musuq maasuqa.

Waxqabadkiisii uu ka sheegay munaasabada waxaa kamid ah  inuu keenay Ra’iisul Wasaare isaga ka wanaagsan , Ra’iisul Wasaarahana uu Keenay Wasiiro ka wanaagsan ,Wasiiradana laga rabo in ay keenaan Shaqaallo ka wanaagsan.

Hoos ka daawo Khudbadda MD Farmaajo

Sidoo kale, waxaa uu si gaar ah uga hadlay howlgalka xasilinta Muqdisho, la dagaalanka AlShabaab, in ciidamada Amisom ay ka bixi doonaan Soomaaliya iyo arimo kale.

Waxaa kale oo uu sheegay iney cadaalad keeni doonaan sedexda bil ee soo socota, ayna sidoo kale shaqo u abuuri doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed