Madaxweyne Puntland iyo wefti uu hogaaminayo oo gudashada waajibaadka xajka ku maqnaa oo ka soo degey Boosaso (Sawiro)

Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti  uu hogaaminayo oo gudashada waajibaadka xadka ugu maqnaa dalka Sucuudiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Bosaso, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay

Waftiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynuhu  wuxuu ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yiri Madaxweyna dawladda Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay  xajka ka dib booqasho shaqo ku soo mareen dalka Imaaraadka Carabta,  halkaasi oo uu sheegay inay u  tageen arrimo la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland

Wuxuu uu shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay isaga kaashadeen sugidda amniga, horumarka iyo xasiloonida dalkooda, wuxuuna  kula dardaarmayinay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda, isla mar’ahaantaana ay meel uga soo wadajeestaan  cadawgooda.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in muddo toddobaad ah uu jooga Magaaladda Bosaso, waxaana la filayaa inuu qayb qaadan doono dardargalinta iyo hirgalinta mashruuca ballaarinta Dekeda Bosaso oo la filayay inuu bilowda bishan September. waxaa kaloo la filayaa inuu isku dayo inuu wax ka qabto cabashooyinka dadka degaanka Bosaso ee la xiriirta dhismayaasha dowladu doonayso inay dumiso si loo ballaariyo Dekeda.

Horseed Media 2017