Madaxweyne Trump oo “xakameyn doona muhaajiriinta”

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu soo warramayaa in uu diyaarinayo saxiixidda dhowr sharci oo lagu xakameynayo muhaajiriinta dalkaasi gaara.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Trump uu maanta soo saari doono sharci uu ku adkeyn doono ammaanka soohdinta uu dalkaasi la wadaago Mexico.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaysa in maamulka cusub uu adkeyn doono dal ku-galka ay Maraykanka siiyaan muwaadiniinta todobo dal oo Muslim ah, oo ay ka mid tahay Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maalin weyn ay u noqon doonto ammaanka Maraykanka, isla markaana uu dhisi doono derbiga soohdinta Mexico.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu joojiyo qaxootiga uu Maraykanka qaadanayo, ilaa iyo inta si weyn looga hubinayo dadkaasi.

Weriyaha BBC uga soo warrama Washington, David Willis, ayaa sheegaya in tallaabooyinkaasi ay ka careysiin doonaan ururrada xuquuqul insaanka, gaar ahaan kuwa u doodda shacabka ku dhibaateysan Suuriya.