Madaxweyne Xaaf’’ dowladda Soomaaliya shan sacadood ayeey igu xayirtay garoonka magaalada Hargeysa (Video)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in shan saacadood ku xayirtay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Xaaf oo ka soo dhoofay dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ka degay magaalada Hargeysa, isaga oo ka weecday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

‘’Saakay 6:00 Aroornimo ayaan imid magaalada Hargeysa shan saacadood oo xiriir ah ayaa leygu xayiray garoonka diyaaradaha Hargeysa oo dowladda federaalka iga celisay diyaaradii aan soo kireystay oo wax kasta lagu gorgoriyay’’ ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayuu sheegay madaxweyne Xaaf in dowladda federaalka fargalin ba’an ku heyso sida uu hadalka u dhigay maamulkiisa, isaga uga digay shacabka Galmudug arintaa iyada ah.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay go’aanka uu ka qaatay madaxweynaha Galmudug khilaafka wadamada Carabta ayaa u muuqata mid cirka isku sii shareertay, kaddib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka qaarkood ka soo horjeesteen go’aankaa.