
Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa weydiistay Qaraamada Midoobay in ay wada hadallo la gasho Kooxda Boko Haram, si loo dhameeyo “ayuu yiri “dagaalka mudada Todobada Sano ah ka socoday dalka Nigeriya , isla markaana loo siidaayo 200 ee Gabdho iskuulka ahaa oo ay kooxdaasi qafalatay.
Balse wuxuu Madxweynuhu muujiyay inay adagtahay jihada wada xaajoodkaasi lala galayo ma daama “ ayuu yiri “hogaanka kooxdaasi dhexdiisa uu ka abuuray kala tag.
Muhammadu Buhari wuxuu kaloo cadeeyay inuu diyaar u yahay in siideynta Gabdhaasi qafaalan uu weydarsado dagaalyahaanohubeysan ee Boko Haram kuna xiran Xabsiyada Dawladda.
Madaxweynaha Nigeria, wuxuu dhanka kale talaabo ku dayasho leh ku tilmaamay juhdiga badan sideynta Gabdhaasi la haystayaasha ah ay geliyeen Marwada kowaad ee Mareykanka Michelle Obama iyo Gabdha Bakistaanka ah ee u dooda xuquul isnsaanka Malala Yousafzai.
Laba Sano ka hor ayay aheyd markii kooxda Boko Haram ay afduubdeen Gabdho ciyal iskuul ah isla markaana sii deyntooda ay ku xirtay shuruud adag.
Waalidiinta Gabdhaha ciyal iskuulka ah
Michelle Obama – U.S. First Lady