Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho – SAWIRO

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyadoo si heer sare ah loogu sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo raacay diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeedii maanta oo jimco ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, 50 meeyo Xildhibaano ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa ku sagootiyay garoonka diyaaradaha.

Madaxweynihii hore ayaa waxaa horay u sii raacay xaaskiisa, qaar ka mid ah kaliyeyaashiisa iyo Ilaalo kooban, waxaa uu dalka Turkiga joogi doonaa muddo bilooyin ah, isagoo dalka dib ugu soo laaban doona.

Hadal kooban uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku siiyay Warbaahinta ayuu sheegay in safar ugu baxayo Turkiga, muddo kooban kaddib uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka joogi doona, isagoo ugu baaqay shacabka inay dowladda la shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lalana garab istaago dowladda.

Waxaa uu ku baaqay in la iska kaashado sidii loogu gurman lahaa abaaraha, waxaana uu tilmaamay in howsha ugu weyn ee u taala ay tahay sidii dadka abaaraha ay saameeyeen loogu gurman lahaa.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu noqdo Madaxweyne dalka soo maray oo aan dal kale weydiisan magangalyo siyaasadeed, iyadoo Madaxdii horay xilalka u soo qabatay looga bartay inay dalal dibadda ah magangalyo ah muddo degenaayeen, qaarkoodna ay magangalyo ahaan u joogeen, waxaa la xusuustaa inuu ka mid ahaa dadkii aan marnaba dalka ka tagin kaddib bur burkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991.