Maraakiib dagaal oo duqeeyey kooxda Daacish ee qabsaday degmada Qandala – VIDEO

Duqeyn xoogan ayaa maanta ka dhacday degmada Qandala ee gobolka Bari oo dhowaan ay qabsadeen kooxda Daacish Somalia ee uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Shiikh C/qaadir Muumin.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay u dhacday duqeyntan, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in duqeynta loo adeegsaday madaafiic laga soo riday maraakiib dagaal oo fadhida xeebta Qandala, halka warar kalena ay xusayaan in dayuurado dagaal oo ka soo kacay maraakiib milateri ay fuliyeen.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan oo aheyd mid aad u xoog badan, iyadoo inta badan shacabkii ku noolaa degmada Qandala ay halkaas ka barakaceen maalmihii l soo dhaafay.

Dhinaca kale ciidamo xoog leh oo ka tirsan Puntland, kuna hubeysan gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah ayaa la sheegay iney gaareen meel ku dhow degmada Qandalla, iyagoo damacsan iney halkaas ku weeraraan kooxda Daacish ee qabsatay degmadaas.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan degmada Qandalla oo illaa 75km bari kaga toosan magaalada Boosaaso, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda ay dagaalo toos ah ka qarxaan.