Maxaa keenay hoos u dhaca ku yimi dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Maydiga?

Puntland waxay ka mid tahay deegaanada hodonka ku ah dhirta ay ka baxaan Xabkaha sida Maydiga oo ka baxa qaybo badan oo kamid ah gobolada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari, Sanaag iyo Gardafuu.

Ka Ganacsiga Maydiga ayaa waxaa ku xiran oo ka shaqaysta xoogmaalato, shaqaale iyo ganacsato badan iyadoo loo dhoofiyo dalka dibadiisa oo loo iib geeyo jasiirada carabta iyo dalalka khaliijka gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga waxaana dalka ka soo geli jirey dhaqaale badan , dhaqaalahaasi oo ay ku tiirsanaayeen kumaankun qoys.

Hoos u dhaca ku yimi dhaqdhaqaaqa iibka Maydiga ayaa ku biiraaya hoos u dhac ballaaran oo sidoo kale saameeyay shaqadii kaluumaysiga xeebaha Puntland oo ay horay saamayn xoog wayn ugu yeesheen dagaalada dalka Yaman oo ahayd suuqa ugu wayn oo ay kaluumaysato u iib gayn jireen wax soo saarkooda

Dr. Faatax Cali C/raxmaan oo kamid ah ganacsatada maydiga ayaa uga waramay warbaahinta sababaha keenay hoos u dhaca ku yimid dhaq-dhaqaaqa iibka Maydiga asagoo marka hore sheegay in hoos dhacaas uu kala mid yaha xoolaha nool iyo kaluumaysiga. Dr Faatax ayaa intaasi ku daray in xiisada ka dhex aloosan dalalka khaliijka carabta ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay hoosu dhaca ku yimid dhaqdhaqaaqa iibka Maydiga kadib markii uu istaagay dhaqdhaqaii ganacsi ee dalalkasi dhexdooda ahaa iyadoo uu hoos dhac ku yimi qiimihi lagu iib gayn jiray

Dr. Faatax Cali ayaa dhinaca kale sheegay in ay sidoo kale ay hoos u dhacday tayada , sida tayadii noocyada Maydiga sida Mushaadka iyadoo oo ay arintaas sababtay abaaraha soo noqnoqday ee ka jiray deegaanada uu ka bixi jirey iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu maydigu maraa dhawr sifeyn ah si tayada Xabkaha looga dhigo kuwo ku haboon in Suuqyada dibada loo iib geeyo.

Sidoo kale Dr. faatax cali ayaa sheegay in ay sababaha ay kamid tahay sharciyada oo ay dawlada Sucuudigu ku adkeeysay dadkii waasici jiray maydiga iyo sidoo kale dawlada Puntland oo inay cashuur ka qaado maahee aan waxna u qaban ilaha dhaqaalaha ee shacabku ku tiirsanyahay

Wasaaradda ganacsiga ee Puntland ayaa ku fashilantey in ay wax ka qabato hoos u dhaca suuqyadii horey u jirey ee Maydigu lee yahay, sidoo kale waxaysan xil iska saarin in ay baaritaano ku samayso hoos u dhacan iyo sida Suuqyo cusub loo heli karo, Xabkaha sida Beeyada iyo Maydigu waxay ka mid yihiin dhaqaalaha ee shacabku ku tiirsanyahay.

Qore: Maxamed Xaaji