Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleystay doorashada madaxweynaha Hirshabeelle

Waxaa daqiiqado ka hor la soo gabagabeeyay doorashadii madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo doorashada madaxweynaha uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guuleystay 74 cod, halka musharixiin la tartamayay Daahir Cabdulle Cawaale uu halay 23 cod.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa ku tartamay 8 musharax waxaana wareegii koowaad isugu soo haray Afar musharax oo labo ka mid ah ka tanaasuleen in ay tartamaan.

Maxmed Cabdi Waare ayaa ahaa musharixiin kula tartamay bishii October sanadkii hore 2016 madaxweynihii kalsoonida lagala laabtay ee Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo  AMISOM ayaa la wareegay amnig madaxweynaha cusub ee la doortay.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa ugu danbeyntii la dhaariyay, waxaana uu jeedin doono khudbad uu uga hadlayo guushiisa iyo waxyaabaha uu qaban doono saddexda sano ee soo socota.