
Haweeney dhagool ah ayaa ka mid ah saddex dumar ah oo lagu hayo xabsiga eedeemo la xiriira in ay wax ka ogaayeen weerarkii argagixiso axadii lasoo dhaafay 3 dumar ah ku qaadeen saldhigga booliiska ee bartamaha Mombasa.
Eedeysanayaashan oo lagu kala magacaabo Shukri Ali Haji oo dhega la ‘, Naema Mohammed Ahmed iyo Saciida Ali Haji ayaa la qabtay Axaddii ka dibna xabsiga la dhigay markii xeer ilaaliyaha maxkamada sheegay in aysan sii wadi karin kiiska, sababtoo ah tuhmanayaasha oo aan fahmi karin ingiriisiga ama Kiswahili, halka mid ka mid ahna dhegaha ladahay.
haweenka ayaa lagu eedeeyay iney qarinayeen Tasmin Yacquub Abdullahi Farah, oo ka imaatay soomaliya gurigooda ku yaala Kibokoni, Mombasa.
Tasmin ayaa ka mid aheed saddex haween ah oo weeraray saldhiga ciidan halka oo laba askari oo bilays ah ay ku dhaawacmeen iyo qayb ka mid ah saldhigga bilayska la gubay.
si kastaba ha ahaatee waxa toogasho lagu dilay iyada iyo laba la socotay.
Booliska ayaa, maxkamadda ka codsaday inay siiyaan muddo 30 maalmood si ay u baaraan tuhmanayaasha. .
Garsooraha Emmanuel Mutunga, ayaa si kastaba ha ahaatee, amar ku bixiyay in tuhmanayaasha la keeno maxkamadda maanta marka turjubaan loo helo.
“Saddexda tuhmane ayaa la rumeysan yahay inay Al Shabaab ka tirsanyihiin islamarkaana dalka ay ku joogaan qaxootinimo iyagoo heyso kaararka qaxootiga,” sida ay bilayska sheegeen.
Booliska ayaa ku eedeeyay sido kale tuhmanayaasha iney kireeyeen guri ay isticmaalaan kooxaha Al Shabaab iyo ISIS si ay u fuliyaan hawlaha argagixisada