Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku fulisay Rag ka tirsan Al-Shabaab – SAWIRO

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa xukun Dil ah ku fulisay maanta oo Isniin ah  4 Nin oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Alshabaab, kuwaa soo ka dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo Sanadkii 2016-ka.

Afarta dhagar-qabe ee ka tirsan kooxda Alshabaab ee Maanta Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa ka ah Magacyadooda:–

1 Xasan Aadan Mursal

2 C/ladhiif Macalin Aadan C/raxamaan

3 Siyaad Xasan Faarax

4 Sharmad Aawaw Maxamed

Fagaaraha lagu toogtay Afartan dhagar-qabe waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee Ciidamada  Qalabka Sida ee soomaaliya janaraal Liibaan Cali yaraw ,Gudoomiyaha Maxakamada Derjada 1 aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur  Shuute iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilgan lagu fuliyay Xubnaha Ka tirsan Alshabaab ayaa imaanaya Xili shalay Magaalada Baydhabo ay gaareen Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Darajada 1-aad iyo tan sare oo ay wehliyaan xubno katirsan Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida .