
Maxkamadda dastuuriga Gabon ayaa ansixisay in madaxweynaha Ali Bongo uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday bishii August 27 da, islamarkaana diiday racfaan ka dhan ah natiijadaas oo uu gudbiyay maxkamadda musharaxa ay ku wada tartamayeen xilkaasi Jean Ping oo ku baaqay in la tiriyo codadka markale iyo eedeeymo baahsan oo musuqmaasuq.
Lix qof ayaa ku dhintay rabshado sababay burbur weyn magaalada caasimada ah , Libreville, iyo meelo kale dalkasi ka dib markii guddiga madaxbannaanaa ee doorashada ku dhawaaqeen natiijada.
Maxkamadda ayaa kansashay natiijada 21 goobaha codbixinta ee Libreville oo khaladaad ka dhaceen laakiin hadal toos looga daayay telefishanka ayaa maxkamadda ku sheegtay in Bongo uu helay codadka boqolkiiba 50.66 halka musharaxa kale ee Ping uu helay 47.24 boqolkiiba