Maxkmadda ICJ oo go’aamisay inay qaado dacwadda badda Soomaliya iyo Kenya

Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.

Hadda kiiska ay Soomaaliya gudbisay ayaa sii socon doono muddo sanado ah, waxayna ugu dambeyn go’aan ka gaari doontaa dalka iskaleh qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Wali lama sheegin goorta ay dacwaddu billaaban doonto.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay dhageysiga dacwaddan oo aan wali wakhti loo qabanin.

 

Maxay ahayd dooda labada dhinac?

Soomaaliya aya horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

 

Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

FG: Warkan wuxuu ka duwan yahay war aan horey u sheegnay oo ahaa in maxkamaddu ku raacday diidmadii Kenya ee ahayd in dacwadda aan la qaadin, waana saxnay haatan.