Merkel: Yurub iskuma halayn karto US iyo UK

Yurub “si buuxda isuguma halayn karto” Maraykanka iyo UK, ka dib doorashadii madaxweyne Trump iyo aftidii ay Britain ku go’aansatay ka bixidda Midowga Yurub, ayay tiri hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel.

Ayadoo ka hadlaysay isu soo bax olole doorasho, ayaa waxa ay Merkel sheegtay in Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso masiirkeeda.

Waxa ay intaa ku dartay in ay doonayso xiriir wanaagsan oo ay qaaradaasi la yeelato labadaasi waddan iyo weliba Ruushka.

Hadalkeedan ayaa ka dambeeyay markii shir madaxeedkii G7 la isku afgaran waayay heshiiska isbedelka cimilada ee Paris lagu gaaray sanadkii 2015.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in go’aankiisa ku aaddan heshiiskaasi uu shaacin doono todobaadka dambe.

Angela Merkel ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso xiriirka uu dalkeeda la leeyahay madaxweynaha cusub ee Faransiiska, Emmanuel Macron

Ra’yi ururin laga sameeyay Jarmalka, ayaa muujinaysa in Merkel ay markii afaraad ku guulaysan doonto doorashada madaxtinnimo ee dalkaasi ka dhici doonta bisha September.