
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating, oo soo gaaray Caasimadda Puntland ee Garoowe
Ujeeddad Socdaalka wafdigaan ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda geeddi socodka doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya , Dib u dhaca aqalka Sare ee Barlamaanka, Meel marinta Kootadii haweenka ee %30, iyo ku adkaynta Madaxda Puntland fulinta jadwalka soo xulista xubnaha Labada aqal iyo doorashadda Aqalk hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya
Kadib markii uu soo dhammaaday kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha iyo wafdigaasi uu hoggaaminayey Ambassador Keating ayay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay kula hadlayeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyagoona, iyagoona uga warbixiyey ujeedada kulankooda iyo waxyaabihi ay uga wada hadleen.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa saxaafadda u sheegay in ujeedka ugu weyn ee socdaalka wafdigaani uu salka ku hayey in ay beesha caalamku si dhow ula socoto halka ay marayaan arrimaha la xiriira hirgelinta doorashooyinka iyo in ay Puntland usoo gudbiyaan aragtida beesha caalamka ee la xiriirta qabsoomidda doorashooyinka dadban.
Wuxuu sheegay in ay Danjiraha-ka kawada hadleen arrimaha la xiriira dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka iyo sidii loo ilaalin lahaa waqtiga yar ee dhiman loogana fogaan lahaa in markale uu doorashooyinka ku yimaaddo dib u dhac.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay Puntland mar walba diyaar u tahay in si dhab ah loo fuliyo dhammaan qodobbadii ay madashu ku heshiisey ee loogu gogol xaarayey in doorashadu ay si habsami leh uga qabsoonto xarumaha maamulada xubnaha ah dawladda Federaalka.
Dhinaca kale Ambassador Michael Keating ayaa Puntland ku bogaadiyey dedaalkeeda ay ugu jirto sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsan yihiin isagoona hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in qoondada haweenka sidii loogu heshiiyey loo fuliyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com