Micheal Keating oo si cad u sheegay in musharixii Madaxweyne ee ku soo baxaa musuqmaasuq aanay beesha caalamku aqoonsan doonin….

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa digniin culus u diray musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalka Ergayga ayaa ku xusnaa in murashaxiinta aysan ku lug yeelan ama ay ku kacaan falal halis ku ah habsami u socodka doorashada iyo musuqmaasuq.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Micheal Keating ayaa si cad loogu sheegay musharixii Madaxweyne kusoo baxaa musuqmaasuq aanay beesha caalamku aqoonsan doonin natiijada doorashada iyo dowladda uu hogaamiyo.

Hore ayaa qoraalo noocan oo kale ah ay uga soo baxeen Beesha Caalamka iyo Wakiilka Q?Midoobay, waxayna dhamaan go’aanadii, hanjabaadii iyo baaqyadii ay noqdeen kuwo dhegaha laga fureystay oo aanay waxba ka hirgelin, lamana oga waxa uu qoraalkan cusub uga duwanaan doono.