MSF: Qaxootiga Dhadhaab badankood noqosho diyaar uma ahan

Iyada oo ay soo dhawaatay muddadii loo qabtay xidhitaanka xerada ugu wayn kuwa qaxootiga ee dunida ku yaal, Dhadhaab, oo la filayo in bilowga bisha dambe kumanaan Soomaali ah dib loogu celiyo dalkooga dagaalku ragaadiyay, ayaa hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF ay ugu baaqaysaa dowladda Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNCHR, in ay keenaan qorshe kale oo kan dhaama oo dalalka deeqda bixiyaana taageeraan.

Warbixinta MSF oo maanta la soo saaray oo cinwaan looga dhigay ‘Geeddiga Dhadhaab ilaa Soomaaliya: Dad dab lagu tuurayo’ ayaa lagu sheegay in xog ururin la sameeyay lagu ogaaday in tobankii qof ee qaxooti ah ba sideed ka mid ah ay walaac ka muujiyeen dib u celinta, walaacaana ay ka mid tahay cabsi ay ka qabaan in kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka jiraa khasab ku qortaan, faro-xumayn haweenka loo geysto iyo daryeel caafimaad la’aan.

Warbixinta MSF waxa kale oo lagu sheegay cawaaqib xumada ka dhalan karta in mar qudha dad badan dib loo celyo. “Way iska caddahay in xeryo qaxooti aanay ahayn waxa ugu habboon ee lagu xalin karo xiisad taagnayd 25 sanadood, laakiin in haatan mar keli ah oodda la saaro iyadoon la haynin xal kale waa uun in dadkii dib loogu tuurayo dabka colaadeed ee holcaya iyadoo khatarta jirtana daryeel caafimaad la’aantu ka sii dhigayso mid khatarteedu aad u sii ba’antahay” ayuu yidhi Bruno Jochum oo ah agaasimaha guud ee hay’adda MSF.