Mudaharaadyo hareeyay Kuala Lumpur

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda dalka Malaysia, Kuala Lumpur, waxaana ay dalbanayaan in uu xilka ka dego ra’iisal wasaare Najib Razak oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay fadeexooyin waaweyn oo musuqmaasuq ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay, balse kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in uu isku dayay handadida dadka dhaliilsan.

Dibed baxa oo ay horkacayaan dad u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada ayaanan dhag jalac u siin booliska oo xiray wadooyinka qaar, isla markaana xabsiga u taxaabay tiro ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka.

Booliska ayaa dibed baxan ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana wakaaladda wararka ee Malaysia ay sheegaysaa in goobaha ay dibed baxyada ka socdaan la geeyay in ka badan todobo kun oo ciidammada ammaanka ah.