Musharixiin Madaxweyne iyo Xildhibaano maanta kula kulmay Beledweyne Ugaas Xasan – SAWIRO

Qaar kamid ah siyaasiyiin ku dhowaaqday inay yihiin musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyagoo la kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Xubnahan gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxaa kamid ah Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed,Cabdiraxmaan  Cabdishakuur Warsame, Maxamuud Axmed Tarsan, Cabdulaahi Goodax Barre, Cabdiraxmaan Baadiyow,Yuusuf Cismaan Shimbir iyo xubno kale.

Kulan ay la yeesheen siyaasiyiintan qaar kamid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku taageereen mowqifka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ah in aysan la midoobin gobolka Sh/dhexe oo aysan raali ka ahayn shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ee ka socda magaalada Jowhar.

Siyaasiintan oo ku mideysan  isbaheysiga isbedel sameynta ayaa sheegay in xiligan aysan habooneyn in maamul loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyagoo sheegay in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta  Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Booqashada siyaasiyiintan mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashadooda waxa ay ku soo beegantay xilli uu shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka furay magaalada Jowhar shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka sheegay furitaankii shirkan in aanu dano siyaasadeed ka laheyn dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka labada gobol oo muddo sagaal bilood ah shir uga socday magaalada Jowhar looga fadhiyo inay soo dedejiyaan dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin oo ka shaqeeya danahooda, maamulkaasina uu noqdo mid ku yimaada rabitaanka shacabka.

Waxana uu madaxweynuhu shalay markale baaq u direy qeybaha ka dhiman shirka inay ka soo qeybgalaan wixii ay tabanaayaana ay gogosha ka sheegaan.

beledwe-1

beledwe-2

beledwe-3

beledwe-4

beledwe-5

beledwe-6