
Ka dib hawlgal ay Jimcihii Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Koonfur Galbeed ka sameeyen Magaalada Baydhabo, ayaa waxay ku soo qabteen nin ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Ciidamada oo xogta ninkaasi ka helay dadka deegaanka, ayaa waxay ka soo qabteen xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, markii ay gudaha u galeen hoygiisa. Ciidamada ayaa sidoo kale hoyga ninkaasi ka helay qaraxyo.
Wasiirka Hub Ka Dhigista iyo Dhaqan-celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa ammaanay tallaabada ay Ciidamada Nabad Suggida ku soo qabteen ninkaasi.
Wasiirka, ayaa xusay in Saraakiisha Nabad Suggida ay su’aalo weydiinayan ninkaasi, ayna soo bandhigi doonaan muuqaalkaasi, kolka ay baaritaanada soo gaba gabeeyan.
Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Degmada Baydhabo, ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ay shacabku la leeyihiin hay’adaha ammaanka.
Taliyaha, ayaa sheegay in ninkaasi oo lagu magacaabo Isaaq Xasan Cali xogta lagu soo qabtay ay soo gudbiyeen shacabka, iyadoona uu wax muhiim ah ku tilmaamay wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga.