Nin ku hubeysnaa Mindi oo 8 ruux ku dhaawacay Goob ganacsi ku taal Minnesota

Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday Mindi oo lagu qaaday goob laga adeegto oo ku taal Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa toogtay nin looga shakisanaa inuu ka dambeeyay weerarka mindida oo ka dhacday magaalada St Cloud oo qiyaastii 11okm waqooyi galbeed ka xigta magaalada Minneapolis.

Ninkan ku hubeysnaa mindida ayaa la sheegay inuu xirna dharka ay qaataan shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay, waxaana uu gudaha u soo galay goob ganacsi oo lagu magacaabo Crossroads Mall oo ku taala magaalada St Cloud oo ka tirsan Gobolka Minnesota.

Lama aqoonsan ninkan dadka badan mindida ku dhaawacay, waxaana socda baaritaan ay wadaan saraakiisha Booliska, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka falkan geystay uu asalkiisu yahay Soomaali.

Hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya in ninkan ka dambeeyay weerarka uu mid ka mid ah dadka weydiiyay inuu Muslim yahay, isla markaana erayda uu adeegsanayay ay aheyd “Alle ayay u sugnaatay”.

Taliyaha Booliska St Cloud William B. Anderson ayaa sheegay in dhamaan dadka dhaawacmay aanay xaaladooda halis aheyn.

Gobolka Minnesota ayaa ah gobol ay aad ugu badan yihiin Soomaalida, waxaana dhowr jeer dhalinyaro Soomaali doonaysay inay ku biiraan Kooxda Daacish la soo taagay Maxkamad, halka kuwa kalena ay aadeen Suuriya, si ay uga bar bar dagaalamaan Kooxdaas.