Obama: 9/11 dhibanayaashu ma dacwayn karaan Boqortooyada Sucuudiga

Sidii la filayay, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa diiday sharci u ogolaanaya dadkii ku geeriyoodey xubnaha qoyskooda iyo kuwii ka badbaaday weerarkii September 11 2011 in ay ku dacweyn karaan Sucuudi Caraabiya oo kuwa weerarka fuliyeey badankood ay u dhasheen. Sharcigan waxaa meel mariyey Baarlamaanka Maraykanka oo aqlabiyadiisu hadda ay tahay xibiga Jamhuuriga.

Obama ayaa horey u sheegay in sharcigaani uu ka hor imaanayo danaha Maraykanka, awoodna u siinayo in Maraykanka qudhooda la dacweyn karo.

Ciidamada Maraykanka, diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ayaa kumaankun qof oo rayid ah diley tan iyo sanadkii 2002.

Diidmada sharcigan cusub ayaa Obama u isticmaaley VETO oio dastuurku xaq u siinay