Oday 80-jir ah oo Haweenay 60-jir ah ku Guursaday Mandheera iyo Bulshada oo ay la yaab ku Noqotay -VIDEO

Arooska oo ka dhacay magaalada Mandheera ayaa Noqday  mid siwayn loo hadal hayo, Kaasi oo noqday mid aan deegaanka Noociisu Horay uga dhicin.

Cabdullahi Ibraahim oo ah Oday 80-jir ah  ayaa wuxuu Guursaday Haweenay 60-jir ah, waxaana Arooska loo qabtay uu la mid ahaa Kuwa ay dhigtaan Dhalinyarada Cusub ee Arooska ah, Wuxuuna ka warbixiyey Sida uu Arooskan ku dhigtay.