Pakistan: Qoyska raysal wasaarihii hore oo tartan ugu jira doorashada ku celiska ah

Pakistan: Qoyska raysal wasaarihii hore oo tartan ugu jira doorashada ku celiska ah

PakistanLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMaryam Nawaz ayaa door weyn ka qaadatay doorashada ku celiska ah

Dadka magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa codkooda ka dhiibanaya doorasho ku celis ah oo aad loo sugayay, taas oo ku timid is casilaaddii raysal wasaarihii hore bishii July.

Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ayaa musuqmaasuq ku xukuntay Nawaz Sharif laashayna joogitaankiisa xafiiska.

Xaaskiisa, Kulsoom Nawaz, ayaa kursigiisa u tartameysa, balse waxay haatan magaalada London ugu maqan tahay daaweyn cudurka kansarka ah.

Iyada beddelkeeda waxaa ololaha xisbiga Sharif ee PML-N wadda gabadheeda Maryam Nawaz.

Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa xilka ka qaadday Sharif kaddib markii lagu eedeeyay in qoyskiisa ay ku lug leeyihiin shirkado ajnabi ah.

Sharif ayaa mar walba dafirayay eedeymahaasi, balse maxkmadda ayaa laashay isku dayo lagu doonayay inay dib u eegt o go`aankeeda.

PakistanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMilatariga ayaa sugaya ammaanka doorashada
PakistanLahaanshaha sawirkaREUTERS

Xisbiga PML-N ayaa loollan adag kala kulmaya xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo cayaar yahankii siyaasiga noqday Imran Khan iyo xisbiga Dadka Pakistan ee uu hoggaamiyo Bilawal Bhutto Zardari.

Maryam Nawaz hadda ma hayso xil, balse dalkaasi caan ayay ka tahay. Door weyn ayay ka qaadatay xisbiga aabbaheed.

Intii ololaha lagu guda jiray Maryam Nawaz waxay codka dadka u raadineysay xil ka qaadistii aabbaheed.

Wareysi ay dhowaan BBC-du la yeelatay ayay ku seegtay in arrintu ay saameyn ku yeelatay taageerayaashiisa.

PakistanLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionSharif – oo ku sugnaa isu soo baxa xisbiga PML-N ee Lahore – wuxuu ku celceliyay inuu wax khalad ah sameeyay

Cod-bixinta ayaa saadaalineysa in xisbiga PML-N uu guuleysan doono. Codad yar oo uu helo PML-N ayaa u oggolaan kara mucaaradka inay sheegtaan in xitaa deegaanka qoyska Sharif uu saameyn ku yeeshay eedeymaha musuqmaasuq.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya dhammaan axsaabta ugu waaweyn Pakistan oo ay xitaa ku jiraan labo xisbi mucaarad ah oo Islaami ah.

In ka badan 320,000 oo cod-bixiyeyaal ah ayaa codkooda dhiibanaya, waana markii ugu horreysay taariikhda Pakistan ee deegaannada qaar goobaha cod-bixinta la isticmaalayo qalabka xaqiijinta cod-bixiyaha.