Prof. Jawaari oo si rasmi ah ugu guuleystey doorashada guddoomiyaha baarlamaanka

Proff Jawaari oo si rasmi ah ugu guuleystey doorashada guddoomiyaha baarlamaanka

by mahad | Wednesday, Jan 11, 2017 |

January 11 (Jowhar)—Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in uu ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Proff; Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari kadib markii uu helay codad gaaraya 141 cod.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka oo ay ku tartameen afar musharax ayaa waxaa xildhibaan C/shiid Xiddig uu helay codad gaaraya 97 cod, musharax xildhibaan C/fataax Geesey oo helay 17 cod iyo Idiris Dhakhtar oo helay 2 cod halka ay 2 codna xumaatay, guud ahaan waxaa codeysay 259 xildhibaan.

Proff Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mudanihii ugu horeeyay ee labo jeer oo isku xigta ku guuleysta xilka guddoomiyaha doorashada baarlamaanka.

Proff Jawaari ayaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo doorashadii Aqalka Hoose waxaana aad loo aaminsan yahay in uu yahay nin ay isku dhow yihiin Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, balse Jawaari ayaa si cad u sheegay inaysan jirin cid uu wato ama cid wadata.

C/shiid Maxamed Xiddig ayaa u hambalyeeyay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka, waxana uu ugu baaqay xildhibaanada u codeeyay inay isku duubnaadaan oo ay taageeraan isbedel siyaasadeed lala yimaado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee markale la doortay Proff Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo hadlay doorashada kadib ayaa ku tilmaamay doorashada ka dhacday Muqdisho mid ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen.

Halkan ka aqriso taariiqda Baarlamaanka Soomaaliya taariiqdisa kooban

Baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ayaa waxaa 2000-2003dii Guddoomiye ka ahaa Cabdalle Deerow Isaaq.

2004-2007 waxaa guddoomiyaha baarlamaanka noqday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

2007-2010 waxaa guddoomiye ahaa Shiikh Aadan Maxamed Nur.

2010-2012 waxaa gudoomiye markale noqday Shariif Xasan Sheekh Aadan.