Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyey in la furo wadooyinka xiran Gaalkacyo

Shir socday muddo shan maalmood ah kaas oo u dhexeeyey maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanata laga soo saarey 10 qodob oo lagu heshiiyey.

Shirku wuxuu ku saabsanaa sidii loo xasilin lahaa xaaladaha colaadeed ee ka jira deegaanada dhul daaqsimeedka ah iyo baadiyaha iyo weliba sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinkii ka dhashey dagaaladii horey uga dhacay Gaalkacyo.

Labada dhinac ee shirku u dhexeeyey ayaa isku afgartey qodobada hoose.

  1. In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.
  2. Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.
  3. Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.
  4. In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.
  5. In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.
  6. In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.
  7. In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.
  8. Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.
  9. In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.
  10. In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

Shirkan waxaa ka qaybgalay nabadoonada, waxgaradka, siyaasiyiinta gobolka Mudug ee ka soo kala jeeda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.