
Qarax xooggan ayaa abaarihii 3-dii habeenimo saqdii dhexe ee xalay laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Ex Koontarool Balcad ee degmada Huriwaa.
Qaraxan ayaa la sheegay inay aheyd miino dhulka lagu aasayay, kaasoo ku qaraxyaday raggii aasayay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane.
“Xalay saqdii dhexe kooxo miino dhigayay ayaa dhibkii ay umada la rabeen ay iyaga ku noqotay, labo ka mid ah kuwii miinada aasayay ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ka bad baaday”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in raggaas miinada aasayay ay ahaayeen Al-Shabaab, isagoo xusay in dhibaatadii ay u maleegayeen shacabka uu ayaga Alle ku celiyay, kuna dhinteen sida uu yiri.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaa la filayaa in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Hey’adaha ammaanka inay faah faahin ka bixiyaan.
Ma ahan markii u horeysay oo koox miino aaseysay ay ku qaraxdo, waxaa dhowr jeer dhacday ragg miino ku aasayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay noqdeen kuwo ku dhintay, markii ay qaldeen qaabka miino aasida.