Qarax ka dhacay nawaaxiga xerada barakacayaasha Rajo ee degmeda Wadajir

Waxaa maanta qarax gaari loogu soo xiray sargaal la sheegay in uu katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka xerada qaxootiga Rajo ee kutaala Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa ahaa mid gaari nuuca raaxada loogu soo xiray sargaal katirsanaa Ciidanka Milatariga oo la sheegay in uu ka yimid Warshada Nac naca halkaas oo kuyaalo xero ay leeyihiin Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray sargaalka gaarigiisa loogu xiray lagana qaaday goobtaasi isaga oo dhaawac qaba, lamana soo sheegin qasaaro kale oo qaraxaasi ka dhashay.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in gaariga qaraxa lagu xiray uu halkaasi ku gubtay, waxaana dabka markii dambe damiyay gaadiidka dab damiska maamulka gobolka banaadir oo halkaasi si deg deg ah u gaaray.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxa maanta ka dhacay Degmada Wadajir , waxa uuna imaanaya qaraxan xili shalay maqaayad kutala Muqdisho horteeda iyana lagu qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.