Qaxootiga Ugu Da,da Weyn Aduunka oo Laga Masaafurinayo Sweden

106-year-old Afghan refugee Bibihal Uzbeki lies in bed in Hova, Sweden, Sunday, Sept. 3, 2017. Despite being severely disabled and barely able to speak, she is facing deportation from Sweden after her asylum application was rejected earlier this summer. The family say soon after she understood her request was denied her health started deteriorating and she suffered a debilitating stroke. (AP Photo/David Keyton)

Haweeneey 106-sano jir ah oo loo maleynayo in ay tahay qaxootigi ugu da,da weynaa caalamka ayaa lagu wadaa in laga masaafuriyo dalka Sweden kadib marki la diday codsigeedii magangalyo.

Qoyska Bibihal Uzbeki ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee hooyadood ay aad u xumaatay tan iyo marki ay Waaxda Socdaalka Sweden diiday kiiskooda.

Wiilka ay dhashay iyo wiilka ay ayeeyda u tahay ayaa dusha ku soo qaaday Bibihal Uzbeki laga soo bilaabo magaalada Kunduz ee waqooyibari dalka Afghantsan ilaa Iran iyo Turkey oo ay uga sii tallaabeen Yurub, sanadki 2015-ki.

Qosyka haweeneydaan 106-jirka ah ayaa sheegay in aysan hadda dib ugu laaba karin dalkeeda hooyo, sababa la xiriira iyada oo aanan hadli karin, soco karin isla markaana waxba arki karin.

Waxay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan go,aanka waaxda socdaalka ee ka dhanka ah haweeneydaan iyo qoyskeedaba.

Hey’ada socdaalka Sweden ayaa sheegtay in da,da weyn darteed aysan dammaanad qaadi karin in qofka la siiyo magangalyo.