Ra’iisal wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo maanta booqasho ku tagtay Itoobiya

Ra’iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, oo maanta booqasho ku tagtay Itoobiya ayaa uga digtay masuuliyiinta dalkaasi inaysan u isticmaalin xoog xad dhaaf ah dadka banaanbaxaya.

Mrs Merkel ayaa hadlaysay ka dib markii ay wadahadal kula yeelatay Addis Ababa ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah Axadii.
Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha ay soo jeediyeen mucaaradka ee xooga boliiska uu u isticmaalay dadka mudaaharaadaya.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Jarmalka, ayaa sheegtay inay Mrs Merkel la kulantay wakiilo ka socday mucaaradka iyo bulshada rayadka.

Mrs Merkel, ayaa doonaysa in hogaamiyayaasha Afrika ay wax ka qabtaan dadka faraha badan ee u soo haajiraya Yurub si loo joojiyo dadka qaxootiga ee Yurub imanaya.