Raysalwasaare Kheyre oo la kulmay António Guterres xogyaha guud ee QM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey António Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururka Al-Shabaab.

António Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaartay waqtiga kooban.