Romania: Madaxweynaha oo diiday inuu ansixiyo Raysalwaaraha Cusub oo ah Haweenay Muslim ah – VIDEO

Madaxweynaha dalka Romania ayaa qaadacay inuu ansixiyo Raysalwasaaraha cusub ee xisbi Xaakimka uu soo magacaabaya, haweenaydan oo ah muslim ayaa lagu waday inay noqoto haweenaydii ugu horeysay ee dalkaasi oo xilka Raysalwasaaraha qabata.

Madaxweyne Klaus Lohannis ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta uu u diiday inuu ku ansixiyo Raysalwasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Isbaheysiga Garabka Bidix ee ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Wuxuu sheegay inuu dhinac walba ka eegay magacaabida Haweenaydan Muslimka ah, balse uu go’aansaday inuu diido, isagoo sheegay inuu markale ka codsanayo xisbigeeda inuu qof kale usoo xusho xilka Raysalwasaaraha.

Hogaamiyaha Xisbiga ku guuleystay Doorashada ee (PSD) ayaan xilka Raysalwasaaraha qaban karin maadaama horey loo xukumay, balse soo magacaabay haweenaydan lagu magacaabo Sevil Shhaideh oo horey xil uga soo qabatay xukuumada sanadkii hore ee 2015.