RW Sharma’arke iyo C/raxmaan Faroole oo ku guuleystay Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland

Iyadoo Doorashada Xubnaha Puntland ku Metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ay maanta ka billaabatay Garoowe, ayaa xubnihii ugu horreeyay ee ku guuleystay waxay noqdeen; Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

Doorashada ayaa billaabatay kaddib markii ay saakay khudbooyinkooda dhameysteen shan xubnood oo shalay waqti u waayay inay khudbadahooda jeediyaan, ayaa waxaa haddana ka mid ah xubnaha tartamaya 10-haween ah.

Sidoo kale, Wariyaha HOL ee ku sugan halk ay Doorashadani ka Socoto, Abaadir C/qaadir Cilmi ayaa soo sheegaya in doorashadu ay tanaasul sameeyeen Labadii Xubnood ee kula tartamayay kursiga Jen. Maxamed Siciid Xirsi [Moorgan], iyadoo aan la ogeyn musharrax la tartami doonta.

Puntland ayaa laga doonayaa I nay kasoo baxaan 11-xubnood oo ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, halka maamul-gobleedyada kale laga doonayo min siddeed xubnood oo keliya.

Haddaba, Natiijada Doorashadaan Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, Waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.