R/Wasaaraha Somalia oo si adag uga hadlay in arinta Muranka Badda loo rogo Siyaasad iyo Olole Doorasho – DHEGEYSO

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garawe ayaa ka hadlay muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo martay.

Cumar Cabdirashiid ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay Qareenada iyo ergooyinka kale ee Soomaaliya u difaacaya kiiska Badda , waxa uuna rajeeyay in ay Soomaaliya ku guuleesato kiiskan dacwada ah ee kala dhaxeysa Dowlada Kenya.

Waxa uu cadeeyay Cumar Cabdirashiid in arrimaha Kenya ee beddelada xuduuda samaysey sanadkii 2005, waxa uuna intaa ku daray in arrinta is-faham ee dadka lagu maran habaabiyey marna aysan ahayn xuduud ee waxay ahayd ku darsiga EEZ.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kiiskan ay dad siyaasadeeyeen ayna u adeegsadeen olole loogu jiro doorasho, waxa uuna ka digay in dadka aan la marin habaabin wax qaldana aan laga dhaa dhicin.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in aysan marnaba ogolaan doonin wax gor gortan ahna aysan gali doonin in taako kamid ah dhula ama badda Soomaaliya ay cid kale qaadato ama ay ku xad gudubto.

”Marna ma ogolaan doono in taako kamid ah Badeena ama dhulkeena lagu soo xadgudbo ama lasoo haweesto, inta aan masuulka nahay iyo xitaa hadii aan xilka ka tagno” Ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Raysalwasaaraha ayaa xusay sababta ay ku timid is-afgarad, waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay dalalka Caalamka ka sugeysey in ay soo gudbiyaan EEZ iyo qalfoofka, waxaana heshiiska ku caddaa sida qolo kastaa (Kenya iyo Soomaaliya) u codsan lahay siyaadinta EEZ, waxaana naga saacideysey Norway ayuu yiri, waxaase caddaatey in Kenya ay si khaldan u isticmaaleen isla markaana la majara habaabiyey heshiiska.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in sababta uu uga gaabsadey maalmihii u danbeeyey in uu ka hadlo arrimahan in ay ahayd mid ay isku ogaayeen Qareemada kiiskan diifaacayey maadaama aan ahay Masuul dacwaddu socotey, in aan ka hordhacona ay dhib keeni karto oo Kenya u isticmaali karto in ay dacwadda ka baxdo, hadda Qareemada waa isku waafqney in aan ka hadlo ayuu yiri, maadaama kiiska la gudbiyey.

Hadalka R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya xili isaga iyo masuuliyiin kale lagu eedeeyay in ay Kenya u saxiixen qeyb kamid ah Badda Soomaaliya, waxaana arintan maalmahan si weyn looga hadal hayay warbaahinta iyadoona olole sharaf dil ah loo adeegsanayay kiiskan.