R/wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal ku yimaada hogaanka Soomaaliya

R/wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal ku yimaada hogaanka Soomaaliya

by master | Saturday, Dec 3, 2016 | 2592 views

December 03 (Jowhar)—Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa shaaciyay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay isbedel dhanka hogaanka ah, kadib markii uu la kulmay xildhibaano lasoo doortay.

Cumar C/rashiid ayaa hadalkaan ka jeediyay magaalada Kismaayo, markii uu la kulmay xubnaha aqalka sare ee maamulka Jubbaland matalaya.

Xildhibaanada aqalka sare ayuu u sheegay ra’iisul wasaaraha in loo baahan yahay iney eegaan hogaanka dalka iyo sida uu u shaqeeyo kadibna ay la yimaadaan isbedel hogaamineed.

Sidoo kale wuxuu balanqaad u sameeyay xildhibaanada uu la kulmay, isagoo sheegay in haddii madaxweyne loo doortaa uu wax badan ka qaban doono marxalada dalka afarta sano ee soo socoto.

Qorshayaasha uu la imaanayo waxaa kamid ah shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Cumar C/rashiid ayaa ah musharax madaxweyne, wuxuuna isbaheysi la yahay madaxweynaha Koofur Galbeed oo isna doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.