Safiirka dalka Somaliya u fadhida Pakistan marwo Khadijo oo kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Safiiradda dalka Somaliya u fadhida Pakistan marwo Khadijo Mohamed Almakhtuumi ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Marwo Khadija oo kulanka koobad la qadatay wasiirka wax barshada mudane Eng. Muhamad Baligh ur Rehman ayaa waxyaabihii laba dhinac ay isla soo qaadeen waxaa ka mid ahaa Hormarinta xiriirka labada dal Dib usoo noolaynta heshiiskii dhanka wax barashada ee Somaliya iyo Pakistan gaareen muddo ka badan 30 sano kahor.

Tayaynta iyo joogtaynta xiriirka/iskaashiga waxbarasho ee ka dhexeeya wasaaradaha wax barashada ee Somaliya iyo Pakistan iyo Kordhinta deeqaha wax barasho ee Pakistan ay siiso dalka Somaliya.

Kulankan oo qadar socday ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wafdi ka socday laanta tacliinta sare ee dalka Pkistan ee loo yaqaano (HEC) iyo xog hayaha koobaad ee safaaradda Somalida ee Islamabad mudane Abdullahi Haji Daud,waxaana intii lagu guda jiray kulankaan wasiirka wax barashada Pakistan uu ammanay ardayda Somaliyeed ee wax ka barata Pakistan isagoo sidoo kale soo dhaweeyay dalabka ah in Pakistan ay kordhiso deeqda waxbarasho ee ay siiso Somaliya.

Sidoo kale marwo Khadija waxay kulan la qaadatay wasiiradda caafimaadka dalka Pakistan Saira Afzal, waxayna ka wada hadaleen xiriirka wax barasho gaar ahaan dhanka caafimaadka ee Somaliya iyo Pakistan iyadoo marwo Khadijo codsatay in ardayda Somaliyeed lasiiyo tababar dhanka caafimaadka ah marka ay soo bogtaan/dhamaystaan waxbarashadooda.

Kulankaan dhex maray safaaradda Somalida iyo wasaaradaha Pakistan ayaa ahaa mid ahmiyad gaar ah u leh laba dal, waxaana wasiirada Pakistan sheegeen inay marwalba ku faraxsanyihiin soona dhawaynayaan ardayda Somaliyeed ee wax barashada u imaanaya Pakistan iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal.

Pakistan waxaa wax ka barta bolaal arday oo Somaaliyeed kuwaas oo barta noocyada kala duwan ee cilmiga sida caafimaadka, dhaqaalaha, xiriirada caalamiga ah, siyaasadda IWM.

Ugu danbayntii heshiis kaaan ayaa ah mid wax wayn kusoo kordhinaya xiriirka laba dal iyo sidoo kale ardayda Somaaliyeed ee wax barashada u imaanaya dalkaan.

amp-khadija-1 amp-khadija-2 amp-khadija-3 amp-khadija-4