
Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaliya, Amb. Aden Xassan Aden oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay kooxaha nabad diidka Al-shabaab ku qaadaan xarun ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen duleedka Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uusan waxba ka badali doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti u joogaan gudaha Soomaaliya.
wuxuu sheegay in dowladda Jabuuti ay sii wadayaan dadaallada ay ku nabadeynayaan Soomaaliya, ilaa iyo inta laga cirib tiraayo waxa uu ugu yeeray haraadiga kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanayo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.
“Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsada xarun ay ciidamada Jabuuti ku la haayeen duleedka Beledweyne waxba kama badali doono howlaha nabad ilaalinta ah ee aan ku caawineyno walaalaheen Soomaaliyeed. Anagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in dhiigeen iyo dhaqaalaheena intaba aan u hurno walaalaheen Soomaaliyeed illaa iyo inta ay isku filnaasho ka gaarayaan” ayuu yiri safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Amb. Aden Xassan Aden.
Safiirka wuxuu kaloo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si looga hortago buu yiri khatarta ay kooxaha nabad diidka u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Hadalkaan ka soo baxay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay Weerarkii ugu cuslaa lagu qaaday Ciidamadda Jabuuti fadhigoodu yahay magaaladda Beledweyne, Waxaana ku dhintay saddex askari oo ka tirsan ciidamadda Jabuuti. Waxaa kaloo weerarkaasi ku dhintay saddex qof oo shicib ah oo goobta qaraxa iyo dagaalku ka agdhawaa.