
Warar hadda soo gaaray SONNA ayaa sheegaya in laba haween ah lagu dilay toogasho laguna dhaawacay Sarkaal ka tirsan Booliska Kenyana, kadib markii dagaal saaka lagu qaaday Xaruunta Saldhigga Booliska ee Magaalo Xeebeedka Mombaasa.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Labada Haweenka ah ee la dilay ay xirnaayeen dharka Xijaabka ah, markii ay toogteen Booliska, iyadoo la sheegayo in ay ka shakiyeen Haweenkaasi
Weerarkaasi ayaa loo adegsaaday Bambo, ma cadda ilaa iyo hadda khasaarihii ka dhashay weerarkaasi, mana la hayo ciddii ka dambaysaba.