Sanbaloolshe “Danbi weeye taageerakasta oo loo fidiyo Al-Shabaab”

Sanbaloolshe “Macquul ma ahan qof Maka Al-Mukarama ku ganacsanaya, nin Toora Toorow jooga inuu baad ka qaado”

by A M Sunday, Jul 23, 2017 

July 23 (Jowhar)— Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa uga digay Ganacsatada Soomaaliyeed inay dhaqaale ku taageeraan Al-Shabaab, isagoo xusay in dhowaan ay soo saarayaan liiska Ganacsatada Al-Shabaab siisa lacagaha.

Isagoo xalay ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Mas’uuliyiinta Hey’addaha ammaanka ayaa sheegay in aan wax cudur daar ah loo yeeli karin dhaqaalaha la siinayo Al-Shabaab.

“Cudur daar iyo qiil ma noqon doonto waa nala handaday iyo waa cabsanaa in lacag lagu siiyo Shabaab, kaddibna lacagtaas qarax lagu soo sameynayo, hub iyo rasaas lagu soo iibsado, dadka masaakiintana lagu leynayo”ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha lagu taageerayo Al-Shabaab si toos iyo si dadban ay tahay mid lagu xoojinayo jiritaankooda iyo howlahooda, isagoo ugu baaqay ganacsatada wixii hada ka dambeeya inay ka waan-toobaan.

“Qof Maka Al-mukarama, Xamar weyne, Suuq Bacaad iyo Suuqa Bakaaraha ku ganacsatada macquul ma ahan in qof Toora Toorow joogo inuu baad joogto ah ka qaado”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyaha NISA ayaa sheegay in dowladda waajib ka saaran tahay illaa iyo xad in dadka ammaankooda sugi doonto, isla markaana ay sameyn doonaan guluf iyo duulaan lagu qaado goobaha ay Shababka joogaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la ballaarin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaqaalaha looga hor-istaagato, isagoo digniin u diray Shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo Bankiyada.

“Dhaqaalaha Shabaab la siinayo cudur daar ma lahan,w axaa u sheegeynaa shirkadaha Isgaarsiinta, Bankiyada, Xawaaladaha in aysan lacag u qaban karin, u keydin karin una kala gudbin karin, waxaa wadnaa qorshe si dhow lagula socon doono arrintan, xisaab lagama furan karo Bankiyada iyo xawaaladaha, iyadoo aysan dowladda ogeyn, cidii lagu qabtana ayadaa ka jawaabeyso”ayuu yiri Taliyaha NISA.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay dhowaan u yeerayaan ganacsatada aaday deegaanada Shabaab, ayna hayaan liiska, waxaa uu caddeeyay wixii hada ka dambeeya cidii la qabto, iyadoo Al-Shabaab aadeysa Maxkamad la saari doono.